Posts

QARAN AAN QORSHE LAHAYN KHILAAF KAMA DHAMAADO:

Image
 QARAN AAN QORSHE LAHAYN KHILAAF KAMA DHAMAADO: Siyaasadda analog-ga ah ee Soomaaliya tan iyo xornimadii ma lahayn qorshe 1-aad iyo xitaa qorshe 2-aad (exit strategy or plan B). Tusaale ahaan, bilowgiiba wax qorshe ah oo qodobaysan oo haddii mid shaqayn waayo mid kale la eegayo laguma wajihin siyaasadda arrimaha dibedda, tusaalaha ugu quruxda badan ee aan taa usoo qaadan karnaa waa dagaalkii 77 iyo cayrintii Midowgii Soofiyeeti. Kaddib jabhado qamaam ah oo qabiil ku dhisan bilaa qorshana ah ayaa dalkii qabsaday, qorshe 1-aad iska daaye qorshe 1-aad u qoranina ma jirin. Bal aan haddaba eegno waxa ay 27 sano umadda badeen: 1 - Somaliland baa dhalatoo waxay tiri dal baan ahay oo Somalia waan ka go'ay, yeelkeede, wax qorshe ah lagama yeelanin, tillaabada xigtee lagu dhaqaaqayo haddii aqoonsi la waayo, tan kale la isma waydiinin, aqoonsigu ma hadaf qaran baa mise waa wasiilo loo cuskanayo horumar la maaminayo oo la heli doono aqoonsiga dabadii, haddii waxa la doonayaa horumar iyo cadaal

Qeybi Oo Xukun Mase Federal?

Image
  Xukuumad dhex-furan oo adeege ah: Xalka siyaasadeed ee Soomaaliya Qaadashada nidaam kasta ee dowladeed waxa laga eegaa baahida ay dalka iyo dadku u qabaan nidaamkaas iyo weliba faa’iidada iyo caqabadaha ku gedaaman qaadashada nidaamka cusub. Waxyaabaha kale ee tixgelinta u baahan waa halka uu adduunka marayo, xaaladda gobolka, iyo weliba la-tashiyo lala sameeyo bulshada dalkaas si loo helo gadidda iyo meel-marinta hannaanka cusub. Taariikhda Somaaliya waxay si muuqata iyo si dahsoonba u qoreysaa in uu culays daran ka soo yeeray hannaanka dowlad dhexe, oo dadka merjisa, sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan dowlad dhex-furan, oo adeege ah. Hannaankaan wuxuu u baahan yahay in dadka Soomaalidu ay ku baraarugaan waayo wuxuu noo bixinayaa nabaddii iyo dowladnimadii aan baadigoobka ugu jirney tan iyo dowlad-dhiskii noo soo bilowday, Ilaahay mahaddiiye, xilligii Carta. Waa in la qabtaa shir-weyne qaran oo wada-tashi ah loogana wada hadlaa masiirka dalka, ubuc looga dhigaa qur;aan akhris

Federalka qabiileysan iyo halka laga soo waariday.

Image
  Si kastaba, sanadkii 1999kii ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay in uu isugu yeero Soomaalida si loo heshiiyo loona yagleelo dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed tan iyo burburkii. Waxa xigay qas ay Itoobiya ku burburisey dowladdii lagu soo dhisay Carta; waxana la isugu yeeray shir kale kaasoo ka dhacay Keenya qaatayna ku dhowaad laba (2) sano. Shirkaan wuxuu ahaa kii dilay dowladnimadii Soomaaliya ka dib markii naloo soo qoray hannaanka ‘federalka’ iyadoo aan cidna lagala tashan; aftina loo qaadin, lana halmaamay sidii laga yeeli lahaa Hargeysa oo wax tabaneysey goonnina u taagnayd hal cabbaar ah!  Ka  akhri   qaybtii 3aad… Gobollada Waqooyi Bari ayaa qaatay ‘federaalka’ ka dib markii ay Itoobiya muquunisay, waxa ku xigey xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo ay iyadana Itoobiya dabada ka riixeysey. Imaanshihii Cabdullaahi Yuusufna waxa bilowday xasuuq agaasiman oo ay geysanayeen ciidanka Itoobiya iyo xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaas, ka dibna waxa kacay muqaawamo

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.

Image
  Soomaaliya iyo ‘federaalka’ –  Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed.   Ka Aqri qeybta 2aad. Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN). Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan. Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba

Waa Maxay Federal?

Image
  Nidaamkani waxa uu u kala qaybsamaa dhowr nooc, waxayna kala yihiin: i) ‘Federaal’ tartan ( Competitive ‘federalism’):  Dowladda ‘federaalka’ waxaa ay leedahay awood aad u xaddidan, mana fara-gashan karto maamul-goboleedyada maamul ahaan iyo awood ahaan toona. Noocaan waxaa isticmaala dalalka :  Ingiriiska (UK), Biljim, Ustareeliya, Baakistaan, Baraasiil iyo Iswiisarlaan. ii) ‘Federaal’ iskaashi (Cooperative ‘ federalism’): Nidaamkani, dowladda ‘federaalka’ iyo maamul-goboleedyada ayaa waxay u sahqeynayaa si wadajir ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wadaagaan.  Noocaan waxaa isticmaala dalalka Jarmalka, Koofur Afrika, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Fenesuweela iyo Yuguslaafiya. iii)     ‘Federaal’ khasab ah  ( Coercive ‘federalism’):  Dowladda ‘federaalka’ waxay, nidaamkani, qaabeysa siyaasadaha dowladda dhexe iyo midda maamul-goboleedyada labadaba, waxana ay hubinaysaa in maamul-goboleedyadu raacaan tilmaamaha dowladda dhexe. Noocaan waxa isticmaala dalalka Nayjeeriya iyo Itoo

Waa Maxay Federal? Midka Soomaliyase waa Qeybi oo xukun.

Image
 Hordhac –  Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha. Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka. Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid

WAXBA MA QABAN, MANA QABAN KAREE I DOORTA.

Image
  Siyaasiga Soomaaliyeed 2 Ayuu midkood yahay, Inuusan xishoon, iyo In shacabka ay xayawaanno dhagawaaweyn ay u heystaan. Sida aad ciwaanka qormada kusoo aragtayba waa waxba ma qaban mana qaban karee i doorta, taas waxaan u leeyahay shalay markaan arkay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo meel fagaaro ah ka dhahaayo  "Haddii la i doorto shaqada ugu horreyso aan qaban doono waa dhisidda ciidamo qaran oo heshiis lagu yahay, waxa ugu horreeyo ee aan siyaasadda ka qaban doonana waa sugidda amniga"!. Hadde waa Cabdikariinkii isku keeni waayay 11 qabiil oo wada daga Galmudug, u sameyn waayay ciidan mid ah, mideyn waayay awooddooda siyaasadeed iyo middooda ciidan, ka shaqeyn waayay dib u heshiisiintooda, iskagana tagay!. Waa Guuleedkii ahaa wasiirkii amniga, amni darro uu wax ka qaban waayay darteed isku casilay, goob fagaaro ahna ka sheegay in uu xilka banneeyay ka dib markii uu sii xumaaday amniga caasimadda, soona dhoweenaayo cid kastoo beddeli doonto si ay wax uga qabtaan amniga, iska