Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Marka aad doodaysid qofka ku la doodaya waxba ha ka sheegin oo tusaale ahaan ha oran “Jaahil baad tahay” waayo taasi waa muran doodda ka baxsan, balse waxa laga hadlayo ka hadal! Arrinta laga doodayo isku koob oo waxyaalo ka baxsan ha gelin!
Wax uusan qofka ku la doodayaa sheegin ha fasiran oo ujeeddadiisa macne uusan ka hadlin ha u leexin sida in aad tiraahdid “Qabiil hebel baad tahay oo qabiilkaaga ayaad u la jeeddaa” isaga oo aan qabiil sheegin!
Adiga iyo qofka ku la doodaya colaad qof ahaaneed idin ka ma dhexayso ee in uu cadowgaaga yahay ha u malayn marka aad doodaysaan! Naftaada ha buunbuunin oo in aaad caqli iyo cilmi badan tahay ha isu malayn markii aad dad doodaysaan!
Ujeeddada aad u doodaysaa ha ahaato in la isfahmo iyo in waxyaalo la ka la barto! Adiga oo dan qarsoon wata doodda ha ku walaaqin ujeeddooyin aan muuqan ee daacad ahaw si uu dahalkaagu waxtar u yeesho!
Been’abuur iyo masabbid ha samayn si aan loo ka la fogaan! Hadalkaaga gaabi oo ku koob in yar oo ujeeddadaada la fahmi karo oo doodda in aad hadalka dadka kale ka boobaysid yaan laga fahmin!
Wax aad hubtid keli ah sheeg oo male’awaal ha ku doodin, waayo dooddu riwaayad ma aha ee waa run!
Wax uu qof kaa horreeyey doodda dhexdeeda ku qeexay ha ku hadlin ee wixii dhimman ka sii dood! Arar dheer iyo maahmaahyo badan iska ilaali oo nuxur kooban samee!
Ha xanaaqin haddii dooddu in ay kugu foorarto aad dareentid ee gar qaado!

Comments

  1. Wax badan ayaad na bartay.

    "Anaa haray looma hadlee waxbaa haraa loo hadlaa"

    ReplyDelete
  2. Masha allah mudane mahadsanid in badan ahmedcirfo

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.