Aragtidaada Waa Noocee??

Aragtida Dadku waa labo nooc  Midna Wa Shini Midna Wa Diqsi

Shinidu waxay isku hawlisaa inay aragto ubaxyo Qurux badan, way isku dartaa waxeyna ka Sameysaa malab ay iyada iyo ubadkeedu quutaan dadkuna ay ka Faa'iidaan, waxaa La Mid Ah Qofkii isku hawliya aragtidiisa inuu u badiyo Dhanka wanaaga iyo Faa'iidada .

Diqsiguna wuxuu isku hawliyaa inuu Had iyo Jeer Goobo, Boogaha iyo kutaafadaha, Si uu u quuto, Dadkana ugu wasaqeeyo Cudurna u qaadsiiyo, waxaana La Mid Ah ruuxii Had iyo jeer aragtida Mashaakilka iyo Xumaanta Diirada saara wanaaga ka Sakow.

Anigu waxan dhiiri galinayaa Mar walba in wanaaga wax laga Eego, Sidoo kale Omar Ibnu khadaab RC Wuxuu Yiri, hadalka walaalka xumaan ha u fasiran, Adigoo U heli Kara Fasiraad wanaagsan.


Mahadsanid..

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.