Caqabadaha Hortaagan In dalkeena Sooyaalkiisa Si sax ah Wax Looga qoro


CID KALOO TIRAAHDABA ADIGU CAR DHEH: Weriye ajnabi ah ayaa tegeya gobol ka tirsan Somalia kaddibna wuxuu sheegayaa waxyaabo badan sida inuu gobolkaasi faqri yahay ineey biyo la’aan iyo koronto la’aan ka jirto iyo inaysan shaqo ka jirin, lkn haddii uu weriye Soomaaliyeed uu isla warka ninkaas kaliya tarjumo ilaa aakhiro laga hari maayo.

Muusiggu wuxuu ka bilaabanaya inuusan reer hebel arki karin inuu yahay nin cuqdadaysan oo "dawo" u baahan ama xaasid wax quuri la'. Iyo Wixii la midaa. 


Taasi waxay xitaa adkaysay in sooyaalka Somalia la qoro,Oo si habsami leh looga sheekeeyo dalka baahida ka jirto , waxa loogu baahi badan yahay, iyo waxa aan ku wanaagsannahayba tusaale ahaan, haddii aad mid daba dhilif ahaa oo reer qaxar ah wax ka sheegto waxay iyaguna maagayaan mid reer qobtol ah oo lkn wadani ah, ilaa heer uu qabiilba sheegto taariikh been ah oo uu isagu isku duwdey, aan ka waantowno inaan qof xun qabiil ku dhaweysano, qof wanaagsanna aan qabiil ku fogeeno, 
Soomalia Soomaali baaa Leh.

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.