Diiiwaan Gali Dhibanaha.

DOCUMENT THE VICTIMS: Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii arxan darrada ahaa ee 14kii Oktobar halla raadiyo, warbaahinta gudaha qaarkood intii ay ku mashquuli lahaayeen ka shaqaynta foowdo iyo jikaar hallasoo waraysto ehelada dadkaas.


300 + qof iyo intii kalee naafoowdey ma aha inaan kaliya u aragno tiro waa inaan u aragnaa dad lahaa sheekooyin, hamiyo, qorshayaal, waxtar, hiraal, mid qoys kaligii u shaqaynayay, mid agoon korinayay, gabar qalin jebin rabtey, wiil jaamacad ka qalin jebiyay oo raadinayay shaqadii ugu horreeysey, wiil yar oo rajo ah oo lows iibinayay, carruur iskuul ka timid oo ay kala bitisay daafaddii qaraxa IWM waa in sheekooyinkaa la qoraa oo la faafiyaa si loo dareemo qarada dhibka dhacay si loogu dadaalo baajinta dhacdadan dhiigleeyda ah oo kale. Shaqadaasi waxay u taallaa warbaahinta maxalliga ah. W/Q Maxamed Xaaji .

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.