Fariiiin Ku Socota Passportkeena.

✅#Aan_qiime_u_yeelno_kuna_faanno_keena

🇸🇴Maxaa na kala qabsadey aniga iyo Passport Somaliga?

🇸🇴Passport Somaliga ma laga ogolyahey yurub?

🇸🇴Maxaa u baahan in laga hagaajiyo?

1. Xili sii horeeysey (2006) mar aan ka ahaa ardey jaamacad ku taal dalka Sudan (heer kii 1aad), ayaa aniga iyo 19 ardey oo Sudan ah jaamacaddu tababar noogu dirtey Jamamacadda Dimishiq (Damascus University) ee dalka Syria.

Dalka Syria waxaa aad ugu dheeraa carab nimada sidaa darteed garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ayaad si heel-heel ah uga gudbi karta marka aad soo dagto hadii aad carab tahey (Jaamacadda Carabta dalkaagu ku jiro)

Halka ajnabiga oo dhami ay ku feylaan hal irid (gate بوابة), Carabta waxaa u diyaar ah dhowr iyo toban irdood.

20 keenii ardey iyo labo mushrif (Supervisors) oo na wehlinayey, ayaa qofba irid ka baxey.

Hase ahaatee aniga oo watey Passport cagaarnaa waa la igu dhagey, waxaana la I weydiistey in aan dhiibo Passport ka, kadibna marka tababarku noo soo dhamaado aan halkaan ( Gadada Diyaradaha Dimishiq) ka soo doonto.

Intii aanan jawaab celin ayaa sarkaal kale oo la taagnaa kii sidaa igu yiri soo bixiyey jawaan/kiish weyn oo aan ku qiyaasey kan sokorta ee 50 kg, oo ay ka buuxaan Baasabooro Somali ah oo sideyda oo kale dad Somali ah laga reebey si ay u soo noqdaan, laakiin aan dib loo arag.

Sarkaal kii danbe ee soo saarey jawaanka ayaa kii hore u soo jeediyey in uu isiiyo Baasaboor ka, madamaa aysan micne keeneyn hadii la iga reebo oo laga yaabo in uu ku danbeeyo jawaanka.

Markii aan soo baxey ayaa asxabtii aan lasocdey oo ilaa 15 daqiiqo isugeyey iyaga iyo bas (bus) loogu tala galey in uu na soo dhaweeyo, waxey I weydiiyeen waxa aan la daahey?

Aniga oo aan dooneyn in aan arinta la wadaago ayaan u sheegey in saraakiisha Syrianku ay xiiseynayeen arimaha siyaasadda Somalia iyo Maxkamadaha islamka oo marka xukumayey qeybo badan koofurta Somalia, sidaasna ay sheekadu nala dheeraatey

2. Aniga oo safar u diyaar garoobey 2014 xili aan ardey ka ahaa jaamacad ku taal UK (PhD) ayuu iga dhumey (lumey)Baasaboorkii Somaliga, kan danabeysan (electronic) magalada London dhexdeeda.

Xurunta ugu weyn police ka dalka UK ee loo yaqaan Scotland Yard oo marka ii dhoweyd ayaan u tagey si aan u ogeysiiyo in uu iga dhumey . Baasaboorkii. Sarkaalkii warqada dhumista iga buuxinayey oo aad iila yaaban ayaa igu yiri waligey ma arkin  Baasaboor ka aad raadineyso arin ku saabsan, iyo qof raadsanaya!

Sarkaal ka oo da' ahaan u muuqdey nin dhalin yara ah , waan dareemi karey in uusan arkin Baasaboor Somali ah abidkiis.

Ambassador Sanbaloolshe oo markaa ahaa safiirka Somalia u fadhiyey UK ayaan wacey, wuxuuse iisheegey in safaaraddu aysan bixin Baasabooro.

Sidaa darteedna aan dalka (Somalia) ka doonto mid cusub ama safaradaha Somalia ee Burssels iyo Rome aan la xariiro.

3. Sanad kadib (2015) aniga oo shir caalami ah uga qeyb gali rabey Napoli, Italy, ayaa diyaaradii aan la socdey (Lufthansa) sii istaagtey magaalada Munich ( Germany), sarkaal rabey in uu  suulka iga sawirto maadaama aan soo galey xerada wadamada ku bahoobey Schengen ayaa ii sheegey in isana aanu wali arkin qof ku safraya  Baasabooro ka Somaliga ah.

Wuxuuse ii raaciyey in uu Somalia garanaayo si fiican oo ay badbaadisey Somalia mid ka mid ah diyaaradaha Lufthansa 70 maad kii.

Waxaan weydeyey goorta uu garoonka ka shaqo bilabey, wuxuuna ii sheegey dhamaadkii 90 maadkii

Waxaan u sheegey in aan dareemi karo sababta, oo ka hor xilyadii 1990 kii aan hubo in halkaan lagu mari jirey

🇸🇴#Passport_Somaliga_ma_ laga_ogolyahey_yurub?

Jawaabtu waa haa oo sida kaaga muuqata sawirka 2aad waxaa ii saaran dal ku gal (visa) Schengen ah, taas oo aan ku tagi karo dhamaan wadamada midowga yurub mudo sanad iyo dheeraad ah.

Waana isla Pasport Somaliga ah kan aan ku daganahey dalka UK

Baasaboorku kaliya  waa warqado cadeyn u ah qofka, inta badanna waxba kuma kala duwana warqadaasi aduunyada oo dhan.

Waxaa kala duwan waa qiimaha dalka laga leeyahey, dhaqaalihiisa iyo shakhsiyada qofka wata

Dalka kasta inta  badan waxa uu walwal ka qabaa, gaar ahaan kuwa horumarey, in shakhsiga soo galaya uu dulsaar ( burden عبء) ku noqdo dhaqaalahooda, iyo bulshadooda, hadiise ay u cadaato in aanu waxba uga baahneyn dhaqaalo ahaan dal ku galka waa la siin karaa, hadii aan lagu helin danbiyo kale.

🇸🇴#Maxaa_u_baahan_in_laga_hagaajiyo _baasaboorka_Somaliga ?

Marki aan ka soo dagey gagada diyaaradaha ee magaalada Amsterdam (Holland), December 2017, ee aan marayey hubinta dal ku galkii aan watey, waxaa la waayey oo soo bixiwayey calaamadda danabka ah (chip) ee ku dhex jirta Passporda casirga ah, taas oo ay tahey in marka qalab loogu tala galey la saaro in la helo ama uu so boodo macluumaadka qofka sita.

Sidaa darteed, gaar ayaa la ii leexiyey qol gaar ah ayaana la ii direy iyo Sarkaal khibrad dheeraad ah u leh.

Aniga oo bac malaha Somalinimada ayaa lagugu heestaa ay igu xirantahey ayaa qolkii dhowr qof oo wadmo kale ah la ila soo galiyey, markaas ayaan yara nafisey 😀😀

Wax yar kadib ayey isoo celiyeen  Baasaboorkii iyaga oo aan wali helin macluumadkii, laakiinse aniga ayey si fiican ii wareysteen waraaqo iyo cadeymo dheeraad ahna I weydiisteen.

Ugu danbeyna wey isii daayeen

#Fariin
Fadlan iga gaarsii mudane Koofi arintan si uu wax uga qabto arinta macluumaad sidaha yar ama chip ka si
, Airoporada caalamaka looga arki karo Baasaboorka Somaliga ah data base kooda.

Mahadsanidiin.   W/Q  Mohamed A Gedi .

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.