Mucaaradku waa weeyneeso lagu Arko Waxa Naga Qaldan

Mucaarad waa weyneyso shacabka lagu tusiyo maxaa naga qaldan
Ma ahan kursiga anaa fuulaya ee adigu bannee!

✅Mucaarad ku may ka hadlaan amniga iyo sidii loo hagaajin lahaa!

✅Mucaaradku may ka hadlaan wabiga Shabelle ee qalaley ee Ethiopia leexisey!

✅May ka hadlaan tayo xumada, isku dhex yaaca wax barashada  & jaamacadaha bugta ah ee dalka  sidii daba kaayo guri walbo laga hor furey!

✅May ka hadlaan taya xumada, ka tuugeysiga caafimaadka, iyo daawoyin dhacey ee dalka ka jirta.

✅May ka hadlaan ganacsatada iyo cuntada sumeysan ee dalka la soo galiyo, taasoo aan shakhsiyan tuhun sanahey in ay sabab u tahey cuduro ay ka mid yihiin burooyin iyo kansarka kuwaas oo  aan horey noogu badneyn

✅May ka hadlaan sidee loogu gar gaaraa dadki wax ku gareen 14 October Zoope ?!

✅May ka hadlaan sidee looga qeyb qaadan karaa qarash uruurinta ciidamadda qalabka sida?!

✅May ka hadlaan sidee looga hortagaa ama looga gaashaantaa abaaraha soo aadan ?!

✅May ka hadlaan waxa qofka miskiinka muwaadinka Somsliga uu tabaayo si guud?!

✅Mise waxa kaliya ee ay ka hadli karaan waa siyaasad iyo kursiga in aan ku fariisanno ayaa jirto?!

✅Xitaa hadii caqliyad aan kursiga aheyn aysan garaneyn, may sugtaan waqtiga kooban ee ka harey ilaa xili doorasho la isla gaaro, nuucey doontaba ha ahaatee!!

✅Fudeyd ayey ku tilmaamaan dowlada (taasoo runtii wax ka jiraan), lakiin iyaga qudhooda soo lama oran karo sal fudeyd ayey qabaan, maadaama ay sugan kari la'yihiin 4 sano oo qura, dowlad aan sanad dhameysanna ay rabaan in ay mooshin iyo lacag ku ridaan?!

Anigoo hadaba ku hadlaya afka mucaaradka wax dhisaya, kirsi dooonna aan aheyn, waxaan u soo jeedin lahaa dowladdu in ay wax ka  qabato qodobada kor ku xusan

Mahadsanidiin DR Mohamed A Gedi.

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.