Tuugnimo gaaamurtay.

Warbixin cusub oo dhowaan soo baxday ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya baddeeda laga guranayay kalluun sharci darro ah tan iyo 1950 - 2018, haba ugu darnaatee wixii ka dambeeyay 1990-kii.

Kalluunka muddadaas Soomaaliya laga xaday waxaa lagu qiyaasay 2.4 Milyan oo Tan (2,177,243,376 kg::: Laba Bilyan boqol toddobaatan iyo toddoba Milyan, laba boqol afartan iyo saddex kun iyo saddex boqol toddobaatan iyo lix KG) oo Kalluun ah.

Warbixintan ayaa 80% ka badan qiimeyntii rasmiga ahayd ee laga soo saaray kalluunka sharci darrada ah ee Soomaaliya laga  xaday.

Dalalka iska dhuranayay Badda Soomaaliya waxaa ka mid ah:  Italy, Japan, Greece, Singapore, Egypt, Midowgii hore e Soofiyeeti iyo China.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in dowladda Soomaaliya ay ku fikirto sidii ay baddadeeda uga faa'iideyn lahayd dadkeeda iyadana uga faa'iideysan lahayd oo ay u canshuuran lahayd maraakiibta ganacsiga, leysinno ugu jari lahayd maraakiibta Kalluumeysi, iyadoo dhaqaalahaasina uu wax weyn ka caawin lahaa maareynta hay'adeheeda sida uu sheegay Tim Cashion oo ku takhasusay culuumta kalluumeysiga oo wax ka dhiga Jaamacadda British Colombia. .

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.