Posts

Showing posts from September, 2018

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Marka aad doodaysid qofka ku la doodaya waxba ha ka sheegin oo tusaale ahaan ha oran “Jaahil baad tahay” waayo taasi waa muran doodda ka baxsan, balse waxa laga hadlayo ka hadal! Arrinta laga doodayo isku koob oo waxyaalo ka baxsan ha gelin! Wax uusan qofka ku la doodayaa sheegin ha fasiran oo ujeeddadiisa macne uusan ka hadlin ha u leexin sida in aad tiraahdid “Qabiil hebel baad tahay oo qabiilkaaga ayaad u la jeeddaa” isaga oo aan qabiil sheegin! Adiga iyo qofka ku la doodaya colaad qof ahaaneed idin ka ma dhexayso ee in uu cadowgaaga yahay ha u malayn marka aad doodaysaan! Naftaada ha buunbuunin oo in aaad caqli iyo cilmi badan tahay ha isu malayn markii aad dad doodaysaan! Ujeeddada aad u doodaysaa ha ahaato in la isfahmo iyo in waxyaalo la ka la barto! Adiga oo dan qarsoon wata doodda ha ku walaaqin ujeeddooyin aan muuqan ee daacad ahaw si uu dahalkaagu waxtar u yeesho! Been’abuur iyo masabbid ha samayn si aan loo ka la fogaan! Hadalkaaga gaabi oo ku koob in yar oo ujeedd

DHISE VS DHIBE: Faqriga u dhexeeya madaxdii caalamka Islaamka iyo kuwa maanta!

Sannadkii 2001 ayaa qoraaga la yiraahdo Athar Jamil,warbixin uu diyaariyey waxuu is bar bardhig ku sameeyey hoggaamiyayaasha caalamka islaamka ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee dunida Islaamka u horseeday horumarka iyo sharafta muddo qarniyaal ah iyadoo qoraagu uu xusay in hoggaamiyeyaashii hore ee Muslimka ay ahaayeen kuwo dhinac kasta oo wanaagsan looga daydo waxaana ay aamisanaayeen hantida ummadda ka dhaxeysa in ay tahay Amaano, dadweynahana ay u hayaan Laakiin kuwa Maanta Madaxda ah waa kuwo ku Taajirey Maalka ay ka Xadeen ama ka dhaceen Ummadda. Qoraagu waxaa uu tusaale uu u soo qaatay dhawr ka mid ah Hoggaamiyayaashii hore ee muslimiinta iyo sidii ay ummadda ugu adeegi jireen waxaana isagoo arimahaas iftiiminaya uu soo qaatay hogaamiyeyaashan kala ah: Abuu Bakar as-Siddiiq markii uu jiifay gogoshii uu ku geeriyoonayey ama ku dhimanayey waxa uu gabadhiisii ku yiri: “Awrka biyaha ii soo dhaamiya iyo adoonka Nubian-ka waa hanti dadweyne. Dharka aan hadda gashanahay waxaa

Muxuu Siyaasiga somaliyed qisadaan ka baran karaa?

Allaha ka raali noqdee Sayidunaa Cumar Binu Khadaab ayaa la sheegay in ay la soo gudboonaatay ciidan yari aad u baahsan xilli uu ku sugnaa gudaha dhulka Shaam o o Laf dhabar u aheyd duullaanka ciidamada Islaamka iyo ka wada tashiga arrimaha ku soo kordho dadka, deegaanka iyo Diinta intaba. In kastoo ay jirtay xiisad colaadeed oo waqtigaasi taagneyd, waxa uu Cumar go’aansaday inuu Ratigiisa rarto isagoo u jiheeystay dhanka xuduuda Shaam halkaasi oo ay ku sugnaayeen awoodda ugu badan ciidanka Islaamka oo ay u dhan tahay qalabkooda dagaalka iyo horjoogayaal loo tababaray xeelad kasto oo dagaalka looga baahan yahay in lagu wajaho. Cumar Binu Khadaab waxa uu goobtii ciidanka gaaray waqti Duhurnimo ah oo ciidanka badankiis ay ku mashquulsanaayeen qeybinta Qadada oo markaasi Dabka laga soo qaaday, si kastaba arrinku ha ahaadee waxaa Amiirkii Muuminiinta loo gudbiyey Teendhadii saldhigga u aheyd Abuu Cubeeydah Caamir Ibnu Jarraax oo ah ninka hoggaanka u haayo guud ahaan ciidanka Islaamka