DHISE VS DHIBE: Faqriga u dhexeeya madaxdii caalamka Islaamka iyo kuwa maanta!

Sannadkii 2001 ayaa qoraaga la yiraahdo Athar Jamil,warbixin uu diyaariyey waxuu is bar bardhig ku sameeyey hoggaamiyayaasha caalamka islaamka ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee dunida Islaamka u horseeday horumarka iyo sharafta muddo qarniyaal ah iyadoo qoraagu uu xusay in hoggaamiyeyaashii hore ee Muslimka ay ahaayeen kuwo dhinac kasta oo wanaagsan looga daydo waxaana ay aamisanaayeen hantida ummadda ka dhaxeysa in ay tahay Amaano, dadweynahana ay u hayaan Laakiin kuwa Maanta Madaxda ah waa kuwo ku Taajirey Maalka ay ka Xadeen ama ka dhaceen Ummadda.
Qoraagu waxaa uu tusaale uu u soo qaatay dhawr ka mid ah Hoggaamiyayaashii hore ee muslimiinta iyo sidii ay ummadda ugu adeegi jireen waxaana isagoo arimahaas iftiiminaya uu soo qaatay hogaamiyeyaashan kala ah:
Abuu Bakar as-Siddiiq markii uu jiifay gogoshii uu ku geeriyoonayey ama ku dhimanayey waxa uu gabadhiisii ku yiri: “Awrka biyaha ii soo dhaamiya iyo adoonka Nubian-ka waa hanti dadweyne. Dharka aan hadda gashanahay waxaa laga iibiyey mushaharkii la ii qararay, Marka aan dhinto dharkaas u celi Cumar”. Waxaana xusid mudan in Abuu Bakar uu haystey 40,000 dirham markii uu Islaamka soo gelayey.
Cumar bin Al-Khattab oo Khaliifadii uu hoggaaminayey ay la wareegtay dhulkii Roomaaniyiinta iyo Persian-ka, markii uu dhimaneyey waxa uu hanti ka haystey hal joog oo dhar ah iyo shan diinaar. Waxa uu cuni jirin rooti cusbo la mariyey, timir qallalan iyo saliida Seytuunta, umana ogolayn in qoyskiisu intaas ka badan ku noolaadaan. Dharkiisa waxaa laga samayn jirey aaladda ugu tayada liidata, meelo badan ayuuna dharkiisu ka toltolaa.
Khalid bin Waliid oo ahaa Jenaraalkii ugu qiimaha badnaa ee u dhasha Muslimiinta waxa uu adduunka kaga tegey hal faras iyo hal seef. Waxana xusid mudan in Khaalid uu ahaa kii jebiyey Roomaanka dagaalkii Yarmuk.
Salaaxudiin al-Ayuubi oo sida weyn u xoreeyey Al-Qudus, wax maal ah uu ka tegey ma jirin markii uu dhintay. Aaskiisii waxay noqotay in lacag loo soo deymiyo.
Khaliifkii Cumar bin Cabdul Caziz , maalin ayuu xaaskiisa inta uu u yimid waxa uu ku yiri: “Faadumooy, ma haysaa hal dirham si aan ugu soo iibsado cinab”, waxay ugu jawaabtey, “Maya, laakiin yaa Amiir Al-Mu’miniin miyaadan haysan hal dirham oo aad cinab ku iibsatid?” Waxa uu ugu jawaabey, “Tan ayaa iiga sahlan halkii aan ciqaab ku mudan lahaa cadaabta.”
Hishaam Ibnu Cabdel Maalik ayaa mar waxaa wiilkiisu weydiistey in uu siiyo baqal (dameer) waayo waxa uu wiilku ahaa mid aad u taag daran. Hishaam jawaabtiisii waxay ahayd in uu wiilkiisa tusay sidii uu xayawaanka u xanaanayn lahaa si uu u noqdo mid xoog weyn, waana u diidey wixii uu wiilkiisu weydiisanayey maadaama uusan ka siin karin hantida qaranka (Ummadda). Taasi waxay ahayd Khaliifadii ciidankeedu markaas ka dagaalamayey dhanka Waqooyi ee Byzantine.
Cumar (R.C.) waxa uu yiri: “in haddii dameer ku turunturoodo Shaam (waa dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq/Suuriya) ay tahay in uu ogaado.” Bal eeg xanaanada uu u muujinayo Ummadda,taas oo ka duwan maanta sida ay kooxaha tuugada iyo dembiilayaasha ah oo aan wax dan ah ka lahayn dhibaatada haysata ummadda.
Xaqiiqdii (hoggaamiyayaashii hore ee Islaamku) waxay ahaan jireen ilaalada rasmiga ah ee ummadda, kuwaas oo ku sifaysnaa sida xaddiiska uu weriyey Cabdullah bin Cumar: “dhabtii, qof kasta oo idinka mid ah waa mas’uul (ilaaliye) waxana uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey: Immaamka/hoggaamiyaha dadku waxa uu ilaaliye ka yahay inta uu mas’uulka ka yahay.”
Tusaalayaashaa quruxda badan waxaan ka arki karnaa in Hoggaamiyaha Muslimka khaaliska ah in uu yahay mid hantida/maalka Ummadda u tixgelinaya Ammaano, lagu aamminey in uu ummadda u hayo. Mid aan wax mushahar ah la siinayn laakiin loo gudayo wixii uu faa’iidi lahaa ee ka lumay.
Khaliifadu weligeed ma noqoneyso mid qani ah iyadoo ummaddu, muwaadiniintu, ay gaajaysan yihiin. Halka, Hoggaamiyayaasha muslimka ee maanta ay yihiin kuwo ku taajirey maalka ay ka xadeen ummadda, laakiin Muslimiintii ay fakhri yihiin. Taasi waa inkaar, waxaana taasi waajib ka dhigeysaa in kuwaas lagu bedelo Khaliifo daacad ah.
XIGASHO: Cabdullaahi Colombo

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.