14 Oktobar maalin aan waxba laga baran!
Siddeed maalmood ayaa ka dhimman xasuusta qaraxii 14-kii Oktoobar ee Isgoyska Zoobbe ka dhacay. inta la xaqiijiyay boqolaal qof ayaa ku dhimatay. Weerarkaasi Soomaalida waxay ku ahayd jug aafo badan reebtay.
Dowladu wey maamuusi doontaa maalinkaasi, dadkuna wey isu iman doonaan. waa la heesi doonaa, oo waliba sugaan badan ayaa la tirin doonaa.
madaxduna waxay mar kale sidii cajaladda dadka u xusuusin doonaan aafadii berigaasi dhacday, hadalladuna waxay u badnaan doonaan: SIDAN IYO SIDAN MA YEELAYNO,SHABAAB WAA CADOWGA UMADDA, WAAN AARSAN DOONAA iyo hadallo kale oo noocaas ah oo catow iyo calaacal u badnaan doona.
Waxa u badan tahay inaan laga hadli doonin caddalaadda sidii loo soo tagi lahaa kuwii ka dambeeyay iyo waxa la sameeyay si Soobbe kale inoo soo marin.
Maxaa laga bartay qarixii Zoobe?
Qaraxii Zoope kadib imisa qarax oo kale ayaa dhacay? Wax malaga bartay qaraxii Zoobe? hadiise laga bartay wax uun cashar ah mala waafajiyay casharadaasi in looga hortago qaraxyadi kale ee dhacay? Mise waa sidii Zoobe wuxuu la mid yahay qarxayadii hore oo ay xaaladdu ahayd qaraxba qarax kale ku ilow
Comments
Post a Comment