Qooqa Kali talisnimada. Iyo Sarqadda Ciidanka.


Markii 2000 – kii uu dhaqaalaha Zimbabwe sida weyn u burburay, dad badan ayaa saadaalinayay in Robert Mugabe, uu isna dhici doono, balse markasta taas waa beenoobaysay, illaa November 4, 2017 laga soo gaaray.

Doorashadii June 27, 2008 ayaa Mugabe, la weydiiyey, "haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan, sidee baad yeelin?"

Mugabe, waxa uu ku jawaabay, ‘'Alle oo keliya, ayaa xilka iga qaadi kara!’’

2008, markii doorashada la galay, kaalinta labaad ayuu wareegii labaad galay Mugabe, kadib waa uu bililiqeystay doorashadii oo dhan, dad badana waa uu laayey.

Morgan Tsvangirai, oo la tartamayey Mugabe, ayaa ugu dambeyn go’aansaday in uu doorashada ka baxo, si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, ka gadaal markii ciidamadu ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka.

Wax yar kadib Mugabe, waxaa lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan, oo laga dhigay Ra'isulwasaaraha Zimbabwe, muddo afar sanno ah.

Robert Mugabe, reer Zimbabwe, waxa uu xataa ku dayey in uu dhaho, kuna dhiirado xaaskayga ayaa i badelaysa!

Basar xumadaas dowladeed, askartii meesha ku haysay ayaa ugu dambeyn u dulqaadan weyday, oo dadka ka hor leexisay.

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.