Maxaan ka baran karnaa maalmihi soo maray Botswana
Dalka Botswana waxa gumaysan jiray wax qarni ku dhaw (1885-1966) oo ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Great Britain ama Ingiriiska Bishii Sebtembar 30-kedii Sannadkii 1966-kii. Waxaana ay dhacdaa Koonfurta hoose ee qaaradda Afrika. Waa dal aan xeeb lahayn waxayna daris la tahay oo ay xadad la leedahay Koonfur Afrika, Namibia iyo Zimbabwe.
Ingiriisku intii ay gumaysanayeen waxa ay u bixiyeen ‘Bechuanaland’; waxa ay se madaxbanaanidii ka dib la baxday ‘Botswana’ iyada oo magaca ka qaadatay qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas ee la yiraahdo ‘Tswana’. ‘Bo’ waa ‘dal’.
Qawmiyadda Tswana waxa ay dalka ka tahay 79% halka ay soo raacaan Kalanga oo ah 11%, Basarwa oo ah 3% iyo inta kale oo ah 7%.
Dalka Botswana dadkiisu waa 2.2 milyan dalku na waxa uu le’egyahay 581,000 km2. Afka dawladdu ku shaqayso waa English waxaa se soo raaca afka dadka gudaha oo ah Setswana. Dadka diintoodu 80% waa Kiristaan.
Dalka magaala madaxdiisu waa Gaborone waxaana ku dhaqan 10% dadka dalka. Dalku waxa uu leeyahay dawlad dhexe taas oo midaysan oo baarlamantari ah. Wax ka badan qarni barkii oo ay Botswana madaxbanaan tahay waxaa soo martay 4 madaxweyne marka laga reebo midka talada haya kaas oo dooran 1 sano oo kali ah. Tirda baarlamanka Botswana waa 63 kursi oo kali ah.
Dhulka Botswana 70% waa saxare. Dhaqaalaha dalku waxa uu ku tiirsanyahay macdan qodashada, lo’ dhaqashada iyo dalxiiska. Goortii ay madaxbanaanida qaadanaysay, Botswana, waxa ay ka mid ahayd saddexda dal ee dunida ugu saboolsan; 1970-kii ayay se gaartay miisaaniyad-dheeri (Budget surplus).
Lacagtaas dheeriga ah waxa ay Bostswana galisay Dhismaha dalka (sida waddooyinka, warshadaha iwm), Daryeelka Caafimaadka iyo Kobcinta Waxbarashada. Awoodda wax-iibsi ee dadku waxa uu maanta marayaa $18,825.
Botswana maanta waxa ay joogtaa heer haddii cunta yaraani dunida ka dhacdo ay keydkeeda ka heli karto hanti adag taas oo ay sannad iyo bar dunida cunto, shidaal iyo dawo ay kaga soo iibsan karto.
Maalintii madaxbanaanida uu qaadanayay, dalku waxa uu lahaa 122 aqoonyahan (100 dugsi sare ka baxay iyo 22 jaamac ka baxay). Dalku waxa uu dibadda u dirsaday arday ka badan 40,000 oo qof kuwaas oo 98% wax ka badani dalka ku soo laabatay si ay wax barashadoodii dalkoodii u galiyaan.
Dalku ma lahan milatari xoog weyn, dawladdu na kharash aad u yar ayay ku bixisaa dhanka difaaca. Botswana waxa ay qaadatay siyaasad aad u qabaw iyada oo iska diidday in ay cadaawad dibadda ah dalna u muujiso, in ay fariisimo gudaha dalkeeda ka siiso jabhado, iyo iyaga oo dadkooda u oggolaaday in ay is doortaan.
Saddexdaas arrimoodi waxa ay Botswana dhaxalsiiyeen in ay nabad isku la noolaato iyadu iyo in ay dalalka dibadda ah nabad kula noolaato.
Botswana marka ay joogto Warbarashada iyo Ciidanka, waxa ay tixgalisaa Waxbarashada. Tusaale, toban iyo siddeedda ama sideed iyo tobanka wasaaradood ee Botswana labo ayaa Waxbarashada ku aadda (Ministry of Basic Education iyo Ministry of Tertiary Education, Research, Science and Technology) halka ammaanka oo dhan (gude iyo dibad ba) ay u xilsaarantahay hal wasaarad (Ministry of Defence, Justice and Security).
Ceeb haddii ay Botswana leedahay ama foolxumo taasi waxa ay noqonaysaa dadka oo uu cudurka dilaaga ah ee AIDS si aad u weyn ugu dhex faafay. Boqolkii qof ee reer Botswana ah labaatan ayaa cudurkaasi qaaday!
Maxaan ka baran karnaa Botswana?
IN UU DAL DHISMI KARO KHAYRAAD YARAAN
Dalka Botswana 30% oo kali ah ayaa adeegsi leh. Musuqa oo si xad-dhaaf ah loo yareeyay, waxbarashada oo mudnaanta kowaad la siiyay, dagaallo la’aan (mid sokeeye iyo mid shisheeye toona) iyo madaxweynahii ugu horreeyey (Seretse Khama) oo kursiga xilli fiican ku qaatay (14 sano) kaas oo qorshayaasha qaranka iyo dhaqanka wanaagsan ee siyaasadda dalkaasi ilaa hadda haysto si aad u wanaagsan dhidibada ugu aasay ayaa keensaday in khayraadka yar ee reer Botswana ku filnaado oo ay dalkooda ku hormariyaan.
Comments
Post a Comment