Posts

Showing posts from January, 2018

Aragtidaada Waa Noocee??

Aragtida Dadku waa labo nooc  Midna Wa Shini Midna Wa Diqsi Shinidu waxay isku hawlisaa inay aragto ubaxyo Qurux badan, way isku dartaa waxeyna ka Sameysaa malab ay iyada iyo ubadkeedu quutaan dadkuna ay ka Faa'iidaan, waxaa La Mid Ah Qofkii isku hawliya aragtidiisa inuu u badiyo Dhanka wanaaga iyo Faa'iidada . Diqsiguna wuxuu isku hawliyaa inuu Had iyo Jeer Goobo, Boogaha iyo kutaafadaha, Si uu u quuto, Dadkana ugu wasaqeeyo Cudurna u qaadsiiyo, waxaana La Mid Ah ruuxii Had iyo jeer aragtida Mashaakilka iyo Xumaanta Diirada saara wanaaga ka Sakow. Anigu waxan dhiiri galinayaa Mar walba in wanaaga wax laga Eego, Sidoo kale Omar Ibnu khadaab RC Wuxuu Yiri, hadalka walaalka xumaan ha u fasiran, Adigoo U heli Kara Fasiraad wanaagsan. Mahadsanid..

Fariiiin Ku Socota Passportkeena.

✅#Aan_qiime_u_yeelno_kuna_faanno_keena 🇸🇴Maxaa na kala qabsadey aniga iyo Passport Somaliga? 🇸🇴Passport Somaliga ma laga ogolyahey yurub? 🇸🇴Maxaa u baahan in laga hagaajiyo? 1. Xili sii horeeysey (2006) mar aan ka ahaa ardey jaamacad ku taal dalka Sudan (heer kii 1aad), ayaa aniga iyo 19 ardey oo Sudan ah jaamacaddu tababar noogu dirtey Jamamacadda Dimishiq (Damascus University) ee dalka Syria. Dalka Syria waxaa aad ugu dheeraa carab nimada sidaa darteed garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ayaad si heel-heel ah uga gudbi karta marka aad soo dagto hadii aad carab tahey (Jaamacadda Carabta dalkaagu ku jiro) Halka ajnabiga oo dhami ay ku feylaan hal irid (gate بوابة), Carabta waxaa u diyaar ah dhowr iyo toban irdood. 20 keenii ardey iyo labo mushrif (Supervisors) oo na wehlinayey, ayaa qofba irid ka baxey. Hase ahaatee aniga oo watey Passport cagaarnaa waa la igu dhagey, waxaana la I weydiistey in aan dhiibo Passport ka, kadibna marka tababarku noo soo dhamaado aan hal

Mucaaradku waa weeyneeso lagu Arko Waxa Naga Qaldan

Mucaarad waa weyneyso shacabka lagu tusiyo maxaa naga qaldan Ma ahan kursiga anaa fuulaya ee adigu bannee! ✅Mucaarad ku may ka hadlaan amniga iyo sidii loo hagaajin lahaa! ✅Mucaaradku may ka hadlaan wabiga Shabelle ee qalaley ee Ethiopia leexisey! ✅May ka hadlaan tayo xumada, isku dhex yaaca wax barashada  & jaamacadaha bugta ah ee dalka  sidii daba kaayo guri walbo laga hor furey! ✅May ka hadlaan taya xumada, ka tuugeysiga caafimaadka, iyo daawoyin dhacey ee dalka ka jirta. ✅May ka hadlaan ganacsatada iyo cuntada sumeysan ee dalka la soo galiyo, taasoo aan shakhsiyan tuhun sanahey in ay sabab u tahey cuduro ay ka mid yihiin burooyin iyo kansarka kuwaas oo  aan horey noogu badneyn ✅May ka hadlaan sidee loogu gar gaaraa dadki wax ku gareen 14 October Zoope ?! ✅May ka hadlaan sidee looga qeyb qaadan karaa qarash uruurinta ciidamadda qalabka sida?! ✅May ka hadlaan sidee looga hortagaa ama looga gaashaantaa abaaraha soo aadan ?! ✅May ka hadlaan waxa qofka miskiinka m

Baro BuulBurte

Baro Buulaburte. Taariikha Degmada Buulaburte, Buulabarde, Buulaay  ama Deebleey. waagii hore  waxaa loo yaqiin  buuloburte  (Buuladii bacaadka ), kadibna waxaa loo bixiyay buuloBarde (Barde) waa geed wabiga jiinkiisa ka baxo oo ay caan ku aheeyd magaaladu.  Dadkii hore u deganaa waxa ay u yaqiineen magacya kale sida: Buulaay iyo deebleey .  Magaalada waxaa mara wabiga Shabeelle,waxa ayna ku taal dhul aad u barwaaqa ah,kuna wanaagsan beeraha iyo Xoolahaba,waxaana ku hareereeysan deegaan ku haboon dalxiiska, waxeeyn muqdishou jirtaa 220km. Magaaladu waxa ay aad u camirantay intii u dhaxeeysay 1910-1950kii. waana magaalo halboowle u ah inta badan Gaadiidka isaga gudba Gobalada dalka,taa oo sababtay in ay noqoto Magaalo uu ka jiro ganacsi  weyn. Ganacsigaa waxaa fududeeyay waddada Laamiga ah ee magaalada dhax marta oo la dhisay wax yar kadib Sannadkii  1930kii iyo Buundada oo dhismaheedu dhamaaday Sannadkii 1935tii. Dadka reer Buulaburte waxa ay soo mareen dagaala fara badan oo ay

Tuugnimo gaaamurtay.

Warbixin cusub oo dhowaan soo baxday ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya baddeeda laga guranayay kalluun sharci darro ah tan iyo 1950 - 2018, haba ugu darnaatee wixii ka dambeeyay 1990-kii. Kalluunka muddadaas Soomaaliya laga xaday waxaa lagu qiyaasay 2.4 Milyan oo Tan (2,177,243,376 kg::: Laba Bilyan boqol toddobaatan iyo toddoba Milyan, laba boqol afartan iyo saddex kun iyo saddex boqol toddobaatan iyo lix KG) oo Kalluun ah. Warbixintan ayaa 80% ka badan qiimeyntii rasmiga ahayd ee laga soo saaray kalluunka sharci darrada ah ee Soomaaliya laga  xaday. Dalalka iska dhuranayay Badda Soomaaliya waxaa ka mid ah:  Italy, Japan, Greece, Singapore, Egypt, Midowgii hore e Soofiyeeti iyo China. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in dowladda Soomaaliya ay ku fikirto sidii ay baddadeeda uga faa'iideyn lahayd dadkeeda iyadana uga faa'iideysan lahayd oo ay u canshuuran lahayd maraakiibta ganacsiga, leysinno ugu jari lahayd maraakiibta Kalluumeysi, iyadoo dhaqaalahaasina uu wax weyn ka caawi

Caqabadaha Hortaagan In dalkeena Sooyaalkiisa Si sax ah Wax Looga qoro

Image
CID KALOO TIRAAHDABA ADIGU CAR DHEH: Weriye ajnabi ah ayaa tegeya gobol ka tirsan Somalia kaddibna wuxuu sheegayaa waxyaabo badan sida inuu gobolkaasi faqri yahay ineey biyo la’aan iyo koronto la’aan ka jirto iyo inaysan shaqo ka jirin, lkn haddii uu weriye Soomaaliyeed uu isla warka ninkaas kaliya tarjumo ilaa aakhiro laga hari maayo. Muusiggu wuxuu ka bilaabanaya inuusan reer hebel arki karin inuu yahay nin cuqdadaysan oo "dawo" u baahan ama xaasid wax quuri la'. Iyo Wixii la midaa.  Taasi waxay xitaa adkaysay in sooyaalka Somalia la qoro,Oo si habsami leh looga sheekeeyo dalka baahida ka jirto , waxa loogu baahi badan yahay, iyo waxa aan ku wanaagsannahayba tusaale ahaan, haddii aad mid daba dhilif ahaa oo reer qaxar ah wax ka sheegto waxay iyaguna maagayaan mid reer qobtol ah oo lkn wadani ah, ilaa heer uu qabiilba sheegto taariikh been ah oo uu isagu isku duwdey, aan ka waantowno inaan qof xun qabiil ku dhaweysano, qof wanaagsanna aan qabiil ku fogeeno, 

Diiiwaan Gali Dhibanaha.

DOCUMENT THE VICTIMS: Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii arxan darrada ahaa ee 14kii Oktobar halla raadiyo, warbaahinta gudaha qaarkood intii ay ku mashquuli lahaayeen ka shaqaynta foowdo iyo jikaar hallasoo waraysto ehelada dadkaas. 300 + qof iyo intii kalee naafoowdey ma aha inaan kaliya u aragno tiro waa inaan u aragnaa dad lahaa sheekooyin, hamiyo, qorshayaal, waxtar, hiraal, mid qoys kaligii u shaqaynayay, mid agoon korinayay, gabar qalin jebin rabtey, wiil jaamacad ka qalin jebiyay oo raadinayay shaqadii ugu horreeysey, wiil yar oo rajo ah oo lows iibinayay, carruur iskuul ka timid oo ay kala bitisay daafaddii qaraxa IWM waa in sheekooyinkaa la qoraa oo la faafiyaa si loo dareemo qarada dhibka dhacay si loogu dadaalo baajinta dhacdadan dhiigleeyda ah oo kale. Shaqadaasi waxay u taallaa warbaahinta maxalliga ah. W/Q Maxamed Xaaji .