Posts

Showing posts from October, 2018

14 Oktobar maalin aan waxba laga baran!

Image
Siddeed maalmood ayaa ka dhimman xasuusta qaraxii 14-kii Oktoobar ee Isgoyska Zoobbe ka dhacay. inta la xaqiijiyay boqolaal qof ayaa ku dhimatay. Weerarkaasi Soomaalida waxay ku ahayd jug aafo badan reebtay. Dowladu wey maamuusi doontaa maalinkaasi, dadkuna wey isu iman doonaan. waa la heesi doonaa, oo waliba sugaan badan ayaa la tirin doonaa. madaxduna waxay mar kale sidii cajaladda dadka u xusuusin doonaan aafadii berigaasi dhacday, hadalladuna waxay u badnaan doonaan: SIDAN IYO SIDAN MA YEELAYNO,SHABAAB WAA CADOWGA UMADDA, WAAN AARSAN DOONAA  iyo hadallo kale oo noocaas ah oo catow iyo calaacal u badnaan doona. Waxa u badan tahay inaan laga hadli doonin caddalaadda sidii loo soo tagi lahaa kuwii ka dambeeyay iyo waxa la sameeyay si Soobbe kale inoo soo marin. Maxaa laga bartay qarixii Zoobe? Qaraxii Zoope kadib imisa qarax oo kale ayaa dhacay? Wax malaga bartay qaraxii Zoobe? hadiise laga bartay wax uun cashar ah mala waafajiyay casharadaasi in looga hortago qaraxyadi kale e