Posts

Showing posts from September, 2020

BARO XIRIIIRKA IDINKA DHAXEEYA ADIGA IYO MADAXDA QARANKA.

Maxweyne Farmaajo shan bilood baa u ga hadhay muddo xileeddii loo doortay, sida muuqatana soo noqon maayo oo soomaalidu dhaqanba u ma leh in ay madaxweyne laba jeer doorato. Markaa haddii aad muwaaddin tahay waxaa ku la gudboon in aad miisaanto ninkaasi muddadii uu xilka hayay waxii uu qaranka ka bi’iyay iyo waxii uu u taray. Taasi wax ay ku baraysaa xidhiidhka idinka dhexeeya iyo waxa aad isu tihiin adiga iyo cidda mar walba masiirka qarankaaga matalaysa iyo xulashadeeda, la xisaabtankeeda iyo ku abaalinteeda xumo ama samo. Aniga aragtidayda Farmaajo wax uu ka mid ahaa dadkii soomaalida soo xukumay kuwii u gu roonaa. Waxa uu ku roonaa waan sheegi wax aan se horta qirayaa in uu yahay nin jilicsan oo go’aannada ka baqa. Sidoo kale wax uu ku dhaliilan yahay in aanu ahayn qof runta la nool ee dhalanteed badan rumaysan, taas oo ay sabab u ahaan karto waaya’aragnimadiisa bulsheed iyo soomaali aqoonnimadiisa oo liita. Si kale haddii loo yidhaahdo ninku waa reer Xamar, reer Xamarkuna waa ay k