Posts

Showing posts from November, 2020

Muqayil uu marqaanku shabaab u geeyay.

Image
  SHABAAB IYO MUQAYIL DHACDO DHEX MARTAY:  Xarfaan muqayil ah ayaa maalin jaadka u gooyay, wuu wareeray lkn fikrad ayaa kusoo dhacday, wuu baxay islaan shidaal gado ayuu u tagay, wuxuu ku yiri waxaa la ii soo diray Lacagtii mujaahidiinta, islaantii waxeey ku tiri maandhoow waad soo dhaqsateen bishaane maxaa dhacay? Wuxuu ku yiri ma keenee mase waa baxaa, waxeey ku tiri sheeg lanbarka, AVC ayeeyna ugu tuurtay, markuu baxay ayeey wacday mid ay waalid u aheyd oo lacagta bil kasta u diri jirtay, xaaladdii ayeey u sheegtay, lanbarkii xariifkana waa siisay. Xariifkii muqayilka ahaa waxaa wacay Shabaabkii rasmiga ahaa, waxaana lagu yiri ku laabo islaantii bartaasna igu sug, odayga asagoo dhididku tifiq leeyahay ayaa loo yimid, lacagta celi ayaana lagu yiri, marku celiyay ayaa la weydiiyay waxa ku kalifay inu sidaan sameeyo. Xariifkii wuxuu yiri war ninyahow muqayil wareeray ayaan ahaa, jaadkii ayaa ii gooyay fikraddaan ayaana igu soo dhacday, shabaabkii ninkii jaad lacag uu ku gato ayeey siiy

Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay, han yarida, hoorinnimada, iyo kalsooni darrada.

Image
 Saaxiib xog ogaal ah ayaa ii sheegay in Madaxweyne Mustafa Omer, cidi ka codsan in uu kalmad ka dhiibto gulufka colaadeed ee lagu qaaday gobolka Tigray. Sidaa si lamida uusan asagu xataa talo iyo aragti weydiin Abiy Ahmed, si waxa uu saxaafadda la hortagayo isugu ogaadaan. Haddii xogtaasi rasmi tahay. waxaan is weydiiyey sababta siyaasad xumada iyo kalsooni daradu ay deris ula tahay hogaamiye kasta oo Soomaaliya? Doorashadii Kenya ee December 2002 ayaa Soomaalida oo u jeeda in Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta (oo siyaasadda ku cusub) oo wada socda iyo Mwai Kibaki, oo madaxweyne ku xigeen u ah Daniel Arap Moi, oo murashax ah ayaa xubnihii siyaasadda iyo baarlamaanka ugu jiray Soomaalida oo saddex iyo toban (13) xubnood ahaa baroosinka ag dhigteen Arap Moi. Saxaafadda iyo isku soo baxa doorashada ayaa xildhibaanada Soomaalidu, uga nacamleynayaan Uhuru Kenyatta, oo wiil yar ah oo aan siyaasadda waxba ka goyn ah berigaas. Keliya aabihi ayaa dalkaan madaxweyne ka noqday iyo Daniel Arap M

Ruushka oo soo caga dhigtay Bariga Afrika (Dal siiyey saldhig la mid ah kii uu Somalia ku lahaa 70-meeyadii)

Image
  Ruushka oo soo caga dhigtay Bariga Afrika isagoo xarun dhanka sahayda ah iyo hooso wayn ka samaysanaya dalka Suudaan, sida ku cad heshiis uu wax ka saxiixay RW dalkaasi, Mikhail Mishustin 6-dii Nof., balse haatan lasoo bandhigay. Sida ku cad heshiiska xaruntan sahayda oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Ruushka waxaa lagu bilaabayaa 300 oo askari, kuwaasoo iskugu jira ciidan iyo rayidba. Wuxuuna saldhiggani marti gelin karaa ilaa 4 markab oo uu ku jiro mid leh awoodda nukliyeerka. Dowladda Suudaan ayaa Ruushka siinaysa kaabayaasha looga baahan yahay deked shaqaynaysa iyo dhul bannaan oo bilaash ah, taasoo Ruushka u ogolaanaysa inuu halkaa la yimaado nooc kasta oo agab ciidan ah, sida ku dhigan heshiiska. Waxaa dheer, in heshiiskan oo jiraya 25 sanadood oo 10 kale lagu dheerayn karo, ay Ruushku goobtaa u adeegsan doonaan sidii bar-maamul oo dalkooda ka tirsan (Russia’s jurisdiction). Bartan sahayda ciidamada baddu wuxuu noqonayaa saldhiggii ugu horreeyey ee ay Ruushku ku yeeshaan Afrika, y

Maxaan ka baran karnaa maalmihi soo maray Botswana

Image
  Dalka Botswana waxa gumaysan jiray wax qarni ku dhaw (1885-1966) oo ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Great Britain ama Ingiriiska Bishii Sebtembar 30-kedii Sannadkii 1966-kii. Waxaana ay dhacdaa Koonfurta hoose ee qaaradda Afrika. Waa dal aan xeeb lahayn waxayna daris la tahay oo ay xadad la leedahay Koonfur Afrika, Namibia iyo Zimbabwe. Ingiriisku intii ay gumaysanayeen waxa ay u bixiyeen ‘Bechuanaland’; waxa ay se madaxbanaanidii ka dib la baxday ‘Botswana’ iyada oo magaca ka qaadatay qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas ee la yiraahdo ‘Tswana’. ‘Bo’ waa ‘dal’. Qawmiyadda Tswana waxa ay dalka ka tahay 79% halka ay soo raacaan Kalanga oo ah 11%, Basarwa oo ah 3% iyo inta kale oo ah 7%. Dalka Botswana dadkiisu waa 2.2 milyan dalku na waxa uu le’egyahay 581,000 km2. Afka dawladdu ku shaqayso waa English waxaa se soo raaca afka dadka gudaha oo ah Setswana. Dadka diintoodu 80% waa Kiristaan. Dalka magaala madaxdiisu waa Gaborone waxaana ku dhaqan 10% dadka dalka. Dalku waxa uu leeyahay d