Muqayil uu marqaanku shabaab u geeyay.

 


SHABAAB IYO MUQAYIL DHACDO DHEX MARTAY: 

Xarfaan muqayil ah ayaa maalin jaadka u gooyay, wuu wareeray lkn fikrad ayaa kusoo dhacday, wuu baxay islaan shidaal gado ayuu u tagay, wuxuu ku yiri waxaa la ii soo diray Lacagtii mujaahidiinta, islaantii waxeey ku tiri maandhoow waad soo dhaqsateen bishaane maxaa dhacay?


Wuxuu ku yiri ma keenee mase waa baxaa, waxeey ku tiri sheeg lanbarka, AVC ayeeyna ugu tuurtay, markuu baxay ayeey wacday mid ay waalid u aheyd oo lacagta bil kasta u diri jirtay, xaaladdii ayeey u sheegtay, lanbarkii xariifkana waa siisay.


Xariifkii muqayilka ahaa waxaa wacay Shabaabkii rasmiga ahaa, waxaana lagu yiri ku laabo islaantii bartaasna igu sug, odayga asagoo dhididku tifiq leeyahay ayaa loo yimid, lacagta celi ayaana lagu yiri, marku celiyay ayaa la weydiiyay waxa ku kalifay inu sidaan sameeyo.


Xariifkii wuxuu yiri war ninyahow muqayil wareeray ayaan ahaa, jaadkii ayaa ii gooyay fikraddaan ayaana igu soo dhacday, shabaabkii ninkii jaad lacag uu ku gato ayeey siiyeen, waana noo shaqeynee ayeey dheheen, oo lacagta ayaad soo aruurinee bil walba. Jaad ayaa mashaqo dhex geeyay, dowrkii dowladdana waa maqanyahay.

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.