Posts

Showing posts from April, 2020

Fanka Wiiqitaanka.

Image
Jurij Bezmenov oo markii dambe la baxay Tomas Schuman, wuxuu ahaa nin firfircoon oo ka tirsanaa Sirdoonkii Soofiyeetka ee KGB, waloow uu markii dambe u goostay dhanka Galbeedka isagoo ku noolaa Canada oo uu si faj’o ah oo aan sharraxaad fiican laga bixin la sheego inuu ”wadne xanuun” soo booddo ah ugu dhintay 1993-kii, xilli uu booqanayay carruurtiisa oo degganaa  Montreal . Wuxuu ka sheekaynayaa moowduuc uu cinwaan uga dhigay ”Fanka Wiiqitaanka”, gaar ahaan marka la doonayo in dal dhan la warac geddiyo oo dhulka la dhigo iyadoo aan HAL XABBO lagu ridin, isla markaana aanu ciidan kaaga dhiman. Wuxuu sheegay in aan dal la dhex geli karin inta uu yahay mid isku xiran oo leh meel lagala socdo wixii gelaya ama ka baxaya, isagoo tusaale usoo qaatay dalka Japan oo muddo dheer dhaqankiisa iyo dadkiisa ka ilaashaday inay dalalka dibeddu soo daakhulaan. Ninkii ugu horreeyay ee keena aragtida wiiqitaanka (subversion) wuxuu ahaa Filasuuf Chinese ah oo la oran jirey Sun Tzu, kaasoo noolaa 3