Posts

Showing posts from March, 2020

Qooqa Kali talisnimada. Iyo Sarqadda Ciidanka.

Image
Markii 2000 – kii uu dhaqaalaha Zimbabwe sida weyn u burburay, dad badan ayaa saadaalinayay in Robert Mugabe, uu isna dhici doono, balse markasta taas waa beenoobaysay, illaa November 4, 2017 laga soo gaaray. Doorashadii June 27, 2008 ayaa Mugabe, la weydiiyey, "haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan, sidee baad yeelin?" Mugabe, waxa uu ku jawaabay, ‘'Alle oo keliya, ayaa xilka iga qaadi kara!’’ 2008, markii doorashada la galay, kaalinta labaad ayuu wareegii labaad galay Mugabe, kadib waa uu bililiqeystay doorashadii oo dhan, dad badana waa uu laayey. Morgan Tsvangirai, oo la tartamayey Mugabe, ayaa ugu dambeyn go’aansaday in uu doorashada ka baxo, si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, ka gadaal markii ciidamadu ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka. Wax yar kadib Mugabe, waxaa lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan, oo laga dhigay Ra'isulwasaaraha Zimbabwe, muddo afar sanno ah. Robert Mugabe, reer Zimbabwe, waxa uu xataa

Saboolka deymaha u dabran!

Image
Saboolka deymaha u dabran! Deynta dalka lagu leeyahay waa ay ka badan tahay saddex iyo labaatan (23) tiriliyan —waa abid heerkii ugu sareeyey ay gaarto! Dakhliga gudaha hoos u dhac weyn ayuu wajahayaa, kharaska baxaya ee dowladdu cirkaasuu u socdaa! Deyn cusub oo xargo goosatay, laguna qiyaasayo in ay korodho labo (2) tiriliyan ayaa Madaxweyne Trump, la kowsaday! Intaasi waa hadal hayntii ugu weynayd ee jaraa’idka iyo saxaafadda Mareyn qorto bilowgii 2017. Haddana Xukuumadda Mareykan, uma dhutido deyn lagu leeyahay ee dagaalo hor leh, daabulid ciidan iyo dal kale farogelintiisa ayaa miiska u saaran. Deynta gudaha looga leeyahay dowladda Mareykan, boqolkiiba todobaatan (70%) waxay ka badan tahay wax soo saarka gudaha sanadkii. Deymaha dowladaha kale ku leeyihiin boqolkiiba sodon (30%) ayey ku dhowdahay, kana badan tahay awoodda wax soo saar ee Mareykan. China, Japan, Ingiriis iyo Sweden, ayaa lacagta ugu badan ku leh Mareykan. Saddexda boqol iyo labaatan iyo saddexda (32