Saboolka deymaha u dabran!

Saboolka deymaha u dabran!

Deynta dalka lagu leeyahay waa ay ka badan tahay saddex iyo labaatan (23) tiriliyan —waa abid heerkii ugu sareeyey ay gaarto!

Dakhliga gudaha hoos u dhac weyn ayuu wajahayaa, kharaska baxaya ee dowladdu cirkaasuu u socdaa!

Deyn cusub oo xargo goosatay, laguna qiyaasayo in ay korodho labo (2) tiriliyan ayaa Madaxweyne Trump, la kowsaday!

Intaasi waa hadal hayntii ugu weynayd ee jaraa’idka iyo saxaafadda Mareyn qorto bilowgii 2017.

Haddana Xukuumadda Mareykan, uma dhutido deyn lagu leeyahay ee dagaalo hor leh, daabulid ciidan iyo dal kale farogelintiisa ayaa miiska u saaran.

Deynta gudaha looga leeyahay dowladda Mareykan, boqolkiiba todobaatan (70%) waxay ka badan tahay wax soo saarka gudaha sanadkii.

Deymaha dowladaha kale ku leeyihiin boqolkiiba sodon (30%) ayey ku dhowdahay, kana badan tahay awoodda wax soo saar ee Mareykan. China, Japan, Ingiriis iyo Sweden, ayaa lacagta ugu badan ku leh Mareykan.

Saddexda boqol iyo labaatan iyo saddexda (323) malyuun ee reer Mareykan, qofkasta madaxiisa waxaa suran saddex iyo todobaatan (73) kun oo deyn ah.

Canshuur bixiyaasha rasmiga ah haddii laga qiyaas qaato qofkii waxaa lagu yeelan boqol iyo sagaashan (190) kun oo dollar lacag ka badan.

Dadka reer Mareykan, waxaa awooda in ay shaqo tagaan boqol, siddeed iyo konton (158) malyuun. Tiro kor u dhaafaysa konton (50) malyuun waa howl gab aan shaqo tagi karin. Ku dhawaad lix (6) malyuun waa camal la’aan, ceyr iyo taageero ku nool.

Shalay (March 27, 2020) Madaxweyne Trump, waxa uu saxiixay deeq labo dhibic labo (2.2) tiriliyan oo lagu taageerayo dadka, ganacsiga iyo nolosha kale ee Mareykan, la ajlihi Karoone Fayrus. Waa lacag aan xisaabta iyo ku talo galka dakhliga dalka ku jirin.

Lacagtaasi qofkasta oo Amerikan ah waa ay gaarin. Aniga qoraalkaan idinla wadaagaya iyo qoyskayga ku dhawaad saddex kun iyo shan boqol (3,500) ayaa naga soo gaarin Alle weyne idamki, haddii naloo calfo. Hadda ogow waa ninkaygii boqol iyo sagaashanka (190) kun lagu lahaa ee deynta in uu wax ka baxsho ahayd, ayaa deeq bilaash ah la siinayaa!

Lacagtaasi, khaanadihii deymaha ayey horey ka gelin. Dhib iyo shido kuma hayso Mareykan, mana ahan markii ugu horeysay sidaan oo kale dhacdo. October 3, 2008 ayaa Madaxweyne George W. Bush, saxiixay todobo boqol (700) oo bilyan markii suuq xumadu dhacday.

Daruufaha ugu weyn ee Mareykan, haysta maahan deyn ee waa hubka faraha ka baxay ee dadka u gacan galay. Dowladda Mareykan, waxa ay maareyn la’yahay wiil yar oo ladnaantii ka badatay, waxa uu qabtana garan waayey, kadibna isku buuqay, oo intuu qori qaato baar lagu caweeyo ama dugsi wax lagu baranayo, baas ku furaya dharaar cad, halkaasina boqolaali ku naf baxdo!

Sidaas si lamida Soomaaliya, mashaqada haysata maahan deyn ama tabar yari dakhli aruurin. Hayeeshee, waa dowlad la’aan, ku dhaqan dastuur iyo doonis midnimo.

Dowlad in aan dhisano deyn iyo deeq uma baahna hayeeshe heshiis bulsho iyo sharci ayaa lama huraan u ah.

Mareykan, asaga ayaa International Monetary Fund iyo World Bank, sameeyey haddana waligi deyn kama qaadan? Sababta adiga is weydii!

Haddii aad aragto dowlad Afrikaan ah, oo raadinaysa deyn ama ka daba wareegaysa World Bank iyo IMF, hala yaabin waa nooc waalida kamida oo saboolka deymaha u dabran, keliya lagu yaqaan!

Qalinkii
Mahad Geelle.

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.