Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Kursi Jaceelka Madaxda Africa Ayaa Sababta In Ay Gabaan, Dalka, Dadka, Iyo Toodaba.

Intii u dhaxeeysay 31 octoobar 2010 – Ilaa 19 Juun 2011, Oo madaxweyne #Farmaajo uu ahaa reysalwasaaraha dalka, shabaabna ay 1km u jireen #VillaSomalia markuu xilka qabanaayay, ayaa dagaalo iyo toogasho aan kala joogsi laheen la galay cadawga umaddaan kadib Shabaab firxadkooda ayaa keeymaha isku wareeystay, taasina waxay sababtay in gabi ahaanba dalka oo dhan laga jeclaaday Madaxweynaha Hada Talada Haya. 

Beesha caalamka oo ayagu raba ineeysan dhamaan ciyaartaan xarig jiidka ah ee somalia ka socota, ayaa garwaaqsaday in ay ciyaartaan dhamaaneyso hadii #Farmaajo sii joogo, kadibna waxaa la kala dooradsiiyay inuu dagaalka shabaab joojiyo kursigiisana uu iska sii joogo Ama uu baxo, markuu ka biyo diidayna, duufaano siyaasadeed ayaa lagu kacshay wuuna iska baxay, Madaxweyne Shariif ayaa asagana lagu yiri is daji saaxib hadii kale saaxiibkaa #Farmaajo ayaad raaceysaa, Wuxuuna ku yiri amarkiin ayaa jiro, waxaana abaal marin looga dhigay hal sano oo mudo kororsi ah. 

Madaxweyne #Hassan_Sheikh ayaa yimid oo sanad iyo barkii ugu horeeysay shabaab toogasho kala daalay iyo kuwa wax kufsadaba, markii la is yiri aleeylehe dhibkii waa yaraaday ayaa hadana beesha caalamka ku tiri sxb xuquuqul insaanka wax ka baxsan ayaad ku dhaqmeeysaa ee jooji toogashada aad shabaab ku wado, habka aan kuu tilmaamnana ula dhaqan shabaab hadii kale waa bexee, Madaxweynaha oo kursi jaceelka madaxda africa kala mid ah ayaa aqbalay dalabkaas si kursigiiisa u badbaado, maalintaas ayaana u danbeysay in cadawga la toogto ama dagaal toos ah lala galo. 

Madaxweyne #Farmaajo ayaa soo laabtay, Oo runtii lagu xasuustay inuu yahay, Cadawga musuqa iyo Argagixisada Soo dhaweyn cajiib ahna ay shacabka u muujiyeen, intii uu joogay waxaa dhacay 40 qarax oo midka ugu dhimashada yar uu ahaa ilaa 20 ruux oo somali ah ku baxeen, toogasho aan kala joogsi laheen, iyo musiibadii 14 Octoobar Oo 700 oo Somali Ah Aan Ku weynay, Su’aasha is weydiinya leh ayaa waxay tahay?, Maxaa Intaan Oo musiibo looga falcelin??  saansaan falcelina ma muuqato ilaa hadda, Hadaba markaaan aragnay waxaa noo soo baxday in madaxweyne #Farmaajo uu kursiga ka jeclaaday, In Qalbiyada Soomalida Uu waligiis Ku dhex jiro, Waxaan Kusoo gunaanadayaa in sheekadu wali daba qabasho leedahay, shabaabna laga dabarjari karo somalia iyo guud ahaan africa, waase hadii aan kursiga caashaq loo qabin, Yeelkeeda dhaqankaan aan kor kusoo xusay waxaa ka siman dhamaan madaxda africa, inta aan ka ogahayna waxaan idinla wadaagi doona maalin kale oo uu roob badani da’aayo. 


Waxaad Maanta Bi’isaan, Bari Ha U Shalaayina. 

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.