Posts

Showing posts from July, 2018

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Kursi Jaceelka Madaxda Africa Ayaa Sababta In Ay Gabaan, Dalka, Dadka, Iyo Toodaba. Intii u dhaxeeysay 31 octoobar 2010 – Ilaa 19 Juun 2011, Oo madaxweyne #Farmaajo uu ahaa reysalwasaaraha dalka, shabaabna ay 1km u jireen #VillaSomalia markuu xilka qabanaayay, ayaa dagaalo iyo toogasho aan kala joogsi laheen la galay cadawga umaddaan kadib Shabaab firxadkooda ayaa keeymaha isku wareeystay, taasina waxay sababtay in gabi ahaanba dalka oo dhan laga jeclaaday Madaxweynaha Hada Talada Haya.  Beesha caalamka oo ayagu raba ineeysan dhamaan ciyaartaan xarig jiidka ah ee somalia ka socota, ayaa garwaaqsaday in ay ciyaartaan dhamaaneyso hadii #Farmaajo sii joogo, kadibna waxaa la kala dooradsiiyay inuu dagaalka shabaab joojiyo kursigiisana uu iska sii joogo Ama uu baxo, markuu ka biyo diidayna, duufaano siyaasadeed ayaa lagu kacshay wuuna iska baxay, Madaxweyne Shariif ayaa asagana lagu yiri is daji saaxib hadii kale saaxiibkaa #Farmaajo ayaad raaceysaa, Wuxuuna ku yiri amarkiin ayaa j

Siyaasigeennu marka horena ma saadin karo, marka dambena ma saadan karo (Qalinkii Maxamed Xaaji)

 Dalka Somalia oo xornimo beenaadka Afrikada kale lagu nabay dhankiisa ka qaatay 1960-kii, ayaa u muuqda mid ilaa maanta la jaandaaqi la’ hannaanka dowladeed ee dunida maanta. SABAB? Markii xornimo beenaadkaa la hantay, dalal badan oo Afrikaan ah oo aynigeen ah waxaa u kacay hoggaamiyeyaal dhidibbada u aasay dhisidda dal qaran (nation state), waxaan ka xusi karaa Ghana, Tanzania, Botswana IWM, dalalkan way adag tahay sida uu nidaamkooda qaran u fashilmo, waayo waxaa u dhisan hay’aad qaran oo leh rukumo qoto dheer. Dalka Somalia, nasiib darro, uma dhismin sidii dal balse waxay howshu iska ahayd ha YAACDO, eeddana siyaasigu ma wada laha, balse wuxuu kasoo gelayaa dhanka inaanu dadka u diyaarin istaraatijiyad ay kaga guuraan hannaankii qabyaaladeed oo loo helo cadaalad iyo xeer loo wada siman yahay (Social justice and rule of law). 60-meeyadii markii xornimada la qaatay, waloow ay jireen dhowr siyaasi oo macquul ahaa, wuxuu inta badan siyaasigu dadkii ku mirqaamiyay xisbi qabiil