Posts

Showing posts from March, 2018

Xagee Laguu wadaaa??

Labada finnaxaar, Ibn Salmaan iyo ibn Saayid, sida ay fowdo u geliyeen aayaha dalal dhan, oo ah hawl loo dirtay, aad bay cidihii u dirtay raalli u ga yihiin, shaki la'aan. Yaman, Liibiya, Suuriya, Ciraaq, Masar... meel ka nabadgashay ma jirto. Masiibadu se wax ay tahay, innagu innaga ayaa cagaheenna ku doonannay cadaabta innagu soo fool leh. Qaar innaga mid ah oo hunguri iyo garasho xumo isu raaceen ayaa la maqashiiyay wax la yidhaahdo "maalgashi". Imikaba Muqdisho ciidamo xooggan oo aad u tababaran baa u jooga labadaa nin, Berberana dhowaan ayay ku soo socdaan, tabta ay Yaman ka dhigeen iyo tu ka daran ayayna innagu fali rabaan, ilaa dhulka Soomaalidu noqdo xabxab la jeexjeexay si jeex walba cid loo ga iibiyo. Dagaalka caynkan ah, ee ay labadan kuray dunida Islaamka imika ka wadaan, waxaa la dhahaa dagaal abbaan, ama afka qalaad proxy war, xarb bilwakaalah. Waayo? Maxay ibn Salmaan iyo ibn Saayid u gu jiraan dagaalkan khasaaraha badan ee loo dirtay ee ay dunida musli