Xagee Laguu wadaaa??

Labada finnaxaar, Ibn Salmaan iyo ibn Saayid, sida ay fowdo u geliyeen aayaha dalal dhan, oo ah hawl loo dirtay, aad bay cidihii u dirtay raalli u ga yihiin, shaki la'aan. Yaman, Liibiya, Suuriya, Ciraaq, Masar... meel ka nabadgashay ma jirto. Masiibadu se wax ay tahay, innagu innaga ayaa cagaheenna ku doonannay cadaabta innagu soo fool leh. Qaar innaga mid ah oo hunguri iyo garasho xumo isu raaceen ayaa la maqashiiyay wax la yidhaahdo "maalgashi".

Imikaba Muqdisho ciidamo xooggan oo aad u tababaran baa u jooga labadaa nin, Berberana dhowaan ayay ku soo socdaan, tabta ay Yaman ka dhigeen iyo tu ka daran ayayna innagu fali rabaan, ilaa dhulka Soomaalidu noqdo xabxab la jeexjeexay si jeex walba cid loo ga iibiyo.

Dagaalka caynkan ah, ee ay labadan kuray dunida Islaamka imika ka wadaan, waxaa la dhahaa dagaal abbaan, ama afka qalaad proxy war, xarb bilwakaalah. Waayo? Maxay ibn Salmaan iyo ibn Saayid u gu jiraan dagaalkan khasaaraha badan ee loo dirtay ee ay dunida muslinka ku burburinayaan? Sababta oo ah, labadooda boqortooyo reer Galbeed wax ay ka ga xukuman yihiin laba dembi oo waaweyn. Ka hore waa in ay yihiin hab dhaxaltooyo iyo cabbudhin ah oo aan akhlaaqda iyo aydoolijiyadda casriga ah ee reer Galbeed la ga oggolaan karin, ayna tahay in la dumiyo. Ta labaad waa in labadaa boqortooyo ay muddo dheer saldhig u ahaayeen asalraacnimada dhaqan iyo xagjirnimada diineed, iyagana ay ka yimaaddeen intii badnayd raggii Maraykanka weeraray 2001.

Haddaba labada nin in ay labadooda boqortooyo ka badbaadiyaan dabaysha dimuqraadiyadaynta iyo furfurnaanta dhaqan iyo diineed ee reer Galbeedku doonayo, wax ay ku beddesheen in ay iyaga qudhoodu hawlo ka fuliyaan Dunida Islaamka ee kale, iyaga oo adeegsanaya lacagtooda xaddiga badan iyo kalsoonida Carabnimada iyo Muslinnimada ee loo gu soo joogsanayo.

Labadan kuray haddaba wax ay ku jiraan dagaalkaa ay abbaanka ka yihiin ee Dunida Islaamka la gu burburinayo la guna beddelayo. Waa halka ay ka ga dhinteen Turkiga iyo Eeraan oo ah labada awoodood ee muslinka ah ee si uun u ga madaxbannaan reer Galbeedka.

Waa intaas uun waxa socda ee Xamar iyo Hargeysa wareeriyay ee wax kale ma aha.   W/Q HAWD

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.