AAN ISKU OGOLAANO GUUSHA.

#Aan_wada_guuleysano

Hab dhaqanka bulshooyinka dib dhacey waxaa uu ku saleysan yahey "aniga ayaa kaa guuleystey =win lose"
Sidaas darteedna qofka wixii aanu isagu hor boodeyn ama tala ku laheyn wuu diidaa ama burburiyaa hadii uu karo.

Tusaale yaasha gayiga Somalida la soo qaatana waxaa ka mid ah "meel ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa" IWM.

Dadka dhaqan kaan leh waxaa ku adag in ay isugu ham balyeeyaan guusha mid ka mid ah gaaro, iyaga oo cillado u raadiya guuleystaha si guushu u noqoto mid kala dhantaalan.

Ayaan kadib kii mar hore loo qiriwaayey guushiisa ama lala shaqeyn waayey ayaa isaguna markiisa dibin-daabyo u maleega guuleysteyaasha cusub, oo hore wax u qasi jirey markooda.

Sidaas ayaa bulshooyinkaas markasta waxa ay ku jiraan iska daba wareeg maran (madhan) الدوران في حلقة مفرغة

Dhinaca kale bulshooyinka garaad kooda iyo maskaxdooda maala waxa ay ku dhaqmaan "aan wada guuleysano ama win-win".

Sababtuna waa iyaga oo og in hadii aan lawada guuleysan ay guusha hal dhinac gaaraa tahey mid  aan waqtiga fog sii jiri doonin.

Marka uu mid ka mid guuleystana guushaas waxaa loo rogaa mid dadka ay wax ka wada dhexeeyaan wada gaarta si loo wada guuleysto.

Waxay dhahaan "aniga oo la yareyo iyo inaga oo la badiyo = it is less me and more we"
Waxey kaloo dhahaan "ha daminin iftiinka qof kale si kaagu u baxo"

Si aad u guuleysato qasab maaha in qof kale guul dareysto.

Mahadsanidiin

Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.