WAXBA MA QABAN, MANA QABAN KAREE I DOORTA.

 








Siyaasiga Soomaaliyeed 2 Ayuu midkood yahay, Inuusan xishoon, iyo In shacabka ay xayawaanno dhagawaaweyn ay u heystaan. Sida aad ciwaanka qormada kusoo aragtayba waa waxba ma qaban mana qaban karee i doorta, taas waxaan u leeyahay shalay markaan arkay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo meel fagaaro ah ka dhahaayo

 "Haddii la i doorto shaqada ugu horreyso aan qaban doono waa dhisidda ciidamo qaran oo heshiis lagu yahay, waxa ugu horreeyo ee aan siyaasadda ka qaban doonana waa sugidda amniga"!.

Hadde waa Cabdikariinkii isku keeni waayay 11 qabiil oo wada daga Galmudug, u sameyn waayay ciidan mid ah, mideyn waayay awooddooda siyaasadeed iyo middooda ciidan, ka shaqeyn waayay dib u heshiisiintooda, iskagana tagay!.

Waa Guuleedkii ahaa wasiirkii amniga, amni darro uu wax ka qaban waayay

darteed isku casilay, goob fagaaro ahna ka sheegay in uu xilka banneeyay ka dib markii uu sii xumaaday amniga caasimadda, soona dhoweenaayo cid kastoo beddeli doonto si ay wax uga qabtaan amniga, iskagana tagay!. 

Maanta wuxuu dalbanayaa in xilka ugu sareeya dalka loo dhiibo amnigana uu wax ka qaban doono.

Kaligiis ma ahan, Madaxweyne Farmaajo oo intuu madaxweynaha ahaa tiradii ugu badneed oo shacab ah ay shabaab laayeen, wuxuu taaganyahay halla i doorto anaa wax idiin qabanaayee, hadde ogoow 4 sano ayuu joogay Shabaabna lama dagaalin. 


Waxaan iga talo ah in la iska karkariyo kuwa aan wax u dhiibaneeno, Balantooda, dadnimadooda, wadaniyadooda, diintooda, qiyamkooda, iyo fahamka ay ka hesytaan dowladnimada ay Soomaliya u baahantahay. 


Comments

Popular posts from this blog

Baro sida loo DOODO adigoon dardarin dareenka dadka kale!

Kursi Jaceelka Madaxda Somalia :

Federalka qabyaaladeysan ee Soomaliya.